Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo taallo dahabi ah looga dhisay magaallo ku taalla Jarmalka

0
Tuesday August 28, 2018 - 21:59:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4305
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo taallo dahabi ah looga dhisay magaallo ku taalla Jarmalka

    Wiesbaden -Dpa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Wiesbaden -Dpa


dahabi ah oo u qaab eg taalladii Madaxweynihii hore ee Ciraaq, Saddaam Xuseen ayaa waxaa madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan looga dhisay magaallada Wiesbaden ee caasimadda gobolka Hessen ee Jarmalka.

Booliis ayaa waardiyeynayay Mahrajaan sanadeedkan lagu soo bandhigay taalladan 4-ta mitir ah ee Erdogan, iyadoo dad careysanna ay qaarkood eray aflagaaddo ah ku rinjiyeeyeen taallada.

Taalladan waxaa barxadda Wiesbaden soo suray qaban qaabiyeyaasha Mahrajaanka ‘Wiesbaden Biennale’ ee soo xirmi doona 2 bisha soo socota ee September, waxaana hal ku dhig looga dhigay ‘Akhbaar xun / Bad News’.

Dadka badanaa ayaa taleefoon gacmeedyadooda sawirro kaga qaadanayay taallada Erdogan, halka dadka badidoodana ay ka careysnaayeen in howshan oo kale aysan ahayn mid lagu kaftamo ayna aad uga xun yihiin in taallo uu leeyahay nin keligii Taliye ah ‘Erdogan’ in laga taago dhulkooda, waa siday hadalka u dhigeene.

Siyaasiyiinta Jarmalka ayaa aad u weerara madaxweynaha Turkiga iyagoo mar walba sheega inuu yahay nin ku tunta xuquuqda bani’aadamka, waxaana taallada Erdogan ay ku soo aadaysaa xilli uu Madaxweynaha Turkigu booqasho ku iman doono Jarmalka 28-29 bisha September ee soo socota.