37 sanadood kaddib nin ka tirsanaa Sirdoonka CIA-da Mareykanka oo qirtay in uu dilay Fannaankii Bob Marley

0
Thursday August 30, 2018 - 20:15:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    37 sanadood kaddib nin ka tirsanaa Sirdoonka CIA-da Mareykanka oo qirtay in uu dilay Fannaankii Bob Marley

    London -DailyStar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

London -DailyStar


War cusub oo soo baxay oo lagu daabacay wargeyska ‘Daily Star’ ee ka soo baxa Ingiriiska ayaa lagu sheegay in sirdoonka Mareykanka ee CIA-du ay ka dambeeyeen dilkii fannaankii heesaha Raggae ee Bob Marley, kaasoo geeriyooday 11 May, 1981-kii oo haatan laga joogo 37 sanadood.

Bill Oxley oo 79 jirsariir yaal ah ayaa sheegay in isagoo fulinaya awaamiirta CIA-da uu ka dambeeyey dilkii Bob Marley oo xilligaasi 36 jir ahaa.

Taariikhda waxaa lagu qoray in fannaankii hore ee Jameyka Bob Marley uu u geeriyooday xanuunka Kansarka isagoo da’yar, balse Bill Oxley ayaa qirtay in uu fuliyay dilka (assassinations) loo geystay 17 qofood oo uu ku jiray Bob Marley intii u dhexeysay 1974-1985.

Oxley waxa uu xusay in uu 29 sanadood u shaqeynayay CIA-da, isla markaana dowladda Mareykanku ay Bob Marley u arkaysay nin halis ku ah danaha Mareykanka.

"Mar alba waxaan ahaa daacad, kamana shalaynayo dilkii aan u geystay Bob Marley, waayo waxaan ka shaqeynayay danta Mareykanka” ayuu yiri wareysi uu bixiyay Oxley oo xusay in CIA-du siyaabo kala duwan u khaarijisay bar tilmaameedyadeeda.

Sida uu ku warramayo Oxley, waxa uu sheegay in uu isticlaamay kaar sawir qaade ka socda wargeyska New York Times, oo been abuur ah, kaddibna waxa uu haddiyad u geeyay Bob Marley.

"Waxaan u haddiyeeyay joog Kabaha All Stars ah ee lambarkoodu yahay Size 10, markii uu isku dayay in uu lugta midig isku cabiro, waa uu qaliyay OUUCH!, haa, markaas ayay ahayd marka naftiisii uu ku qamaaray, Musmaarka lugta ka duray Bob Marley waxaa la soo mariyay Virus-ka Kansarka (Melanomas) iyo Bakteeriya kale oo halis ah, taas oo ku faaftay maqaarkiisa” ayuu yiri Oxley.

Oxley waxa uu ku nuux nuuxsaday in Kansarku uu ku faafay Bob Marley illaa uu weyd noqdo oo xaaladdiisa caafimaad ay meel halis ah gaarto.

Dhaqaatiirta Ingiriiska ayaa baaritaan ay hadda ka hor sameeyeen waxa ay ku xaqiijiyeen in Bob Marley uu u dhintay cudurka kansarka maqaarka ku dhaca ee Melanomas, taas oo soo geba gebeysay waayihiisii fanka.



Bill Oxley oo sariir saaran ayaa qirtay dilka Bob Marley