Erdogan oo ka baxay aamusnaantii kana hadlay diyaaraddii buuqa dhalisay ee amiirka Qatar uu haddiyad u siiyay Turkiga

0
Monday September 17, 2018 - 23:15:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3330
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Erdogan oo ka baxay aamusnaantii kana hadlay diyaaraddii buuqa dhalisay ee amiirka Qatar uu haddiyad u siiyay Turkiga

    Istanbul -Skynews Arabia

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Istanbul -Skynews Arabia


Madaxweynaha waddanka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa aamusnaantii ka baxay, waxaana uu ka hadlay arrin buuq dhalisay oo ku saabsan diyaarad qaali ah oo nooceedu yahay Boeing 747-8 oo qiimeheedu dhan yahay 500 Milyan oo dollar, taasoo uu haddiyad ahaan kaga guddoomay Amiirka Qatar, Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani.

"Diyaaraddani waa Haddiyad, wax lacag ah oo aan ka bixiyayna ma jirto" ayuu yiri Erdogan oo la yaabay xisbiyada Mucaaradka sida ay u buun buuniyeen.

"Amiirka Qatar ayaa haddiyad ahaan diyaaraddan u siiyay Turkiga, kaddib markii uu ogaaday in aan danaynayno in aan iibsanno, diyaaraddan qiimeheedu waa ku dhowaad 500 Milyan oo dollar, wuxuuna Sheikh Tamim u haddiyeeyay Turkiga ee aniga si gaar ah iima siin" ayuu sii raaciyay Erdogan.

Erdogan waxa uu ku nuux nuuxsaday in uu Sheikh Tamim yiri "Aniga wax lacag ah oo aan ka qaadanayo Turkiga ma jirto, diyaaraddanna haddiyad ahaan ayaan Turkiga u siiyay".

Madaxweyne Erdogan wax auu u sheegay Weriyeyaasha in ay sheekadaas soo afjaraan waxaana uu yiri "Diyaaraddaan waan ku safreynaa, waxaana leh Jamhuuriyadda Turkiya, mana ahan diyaaraddayda".