Clint Eastwood oo isagoo 88 jir ah soo wada filin cusub (Daawo horudhaca filimkiisa The Mule)

0
Friday October 05, 2018 - 16:41:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1031
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Clint Eastwood oo isagoo 88 jir ah soo wada filin cusub (Daawo horudhaca filimkiisa The Mule)

    Los Angeles -HollywoodNews

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Los Angeles -HollywoodNews


Aktarka caanka ah ee Clint Eastwood, oo muddo 6 sanadood ah aan Telefishinnada lagu arag ayaa haatan isagoo 88 jir ah waxa uu soo wadaa filim cusub.

Filimkan ayaa la magac baxay ‘The Mule’, waxaana uu ku metalayaa waayeel 88 jir ah oo daroogo iibinaya, waxaana qisadan laga metalay dhacdo run ah oo ku saabsan Leo Sharp oo 87 jir ahaa kaasoo sanadkii 2011 la qabtay isagoo kala gudbinayay maandooriyaha budada cad ee Heroin.

Horudhaca filimka ‘The Mule’ ee Clint Eastwood oo ay ka muuqato waayeelnimo ayaa la soo bandhigay iyadoo filimkana laga daawan doono Shineemooyika caalamka 14 bisha December ee soo socota.

Eastwood ayaa lagu xasuustaa filimkii caanka ahaa ee ‘The Good, The Bad and The Ugly’ ama Talyaani ahaan haddii loo dhigo (Il Buono, Il Brutotto, Il Cattivo) ee la dhigay 1966-kii.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir: info@ishawararka.net