Rowan Atkinson oo sheegay inuusan mar dambe filim ku soo jili doonin magaca 'Mr. Bean'

0
Saturday October 06, 2018 - 17:17:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rowan Atkinson oo sheegay inuusan mar dambe filim ku soo jili doonin magaca 'Mr. Bean'

    London -BBC

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

London -BBC

Jilaaga caanka ah ee Rowan Atkinson, ee u dhashay Ingiriiska ayaa wareysi uu siiyay ‘The Graham Norton Show’ ee BBC-da waxa uu ku sheegay inuusan mar dambe filim ku soo jili doonin magicii qadiimiga ahaa ee ‘Mr Bean’.

"Waxaan u malaynayaa in aan mar dambe ka soo muuqan doonin Mr. Bean, waxaa jira marxalad aad soo sameysay wax walba oo aad qaban kartay” ayuu yiri Rowan Atkinson.

Atkinson oo 63 jir ah ayaa soo jilay filimmo hirgalay sida Blackadder, Johnny English iyo sidoo kale filimkii taxanaha ahaa ee Mr Bean, waxaana uu sheegay in uusan aad u qoslin inta uu shaqada filim jilidda ku jiro.

Dhanka kale Atkinson ayaa bishan Oktoobar soo wada qaybtii 3-aad ee filimka ‘Johnny English Strikes Again’, balse dadka xiiseeya filimada jilaagan ayaa sheegaya in uusan cajabin kolka uu jilayo aflaamta uu hadlayo, balse ay ka jecel yihiin kuwa uu aamusan yahay ee qosolka leh.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir: info@ishawararka.net