Amitabh Bachchan oo 1398 Beeraleey ah ka bixiyay deymo lagu lahaa oo ay iska dhiibi waayeen

0
Tuesday November 20, 2018 - 22:24:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 723
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amitabh Bachchan oo 1398 Beeraleey ah ka bixiyay deymo lagu lahaa oo ay iska dhiibi waayeen

    Mumbai -Times of India

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Mumbai -Times of India

Jilaaga caanka ah ee Filimmada Bollywood-ka Hindiya, Amitabh Bachchan gacan bani’aadannimo u fidiyay beeraleey u dhalatay dalkiisa oo iska gudi waayay deymo fara badan oo lagu lahaa, isagoo 1398 Beeraleey ah oo ku nool gobolka Uttar Pradesh ka dhiibay deymo ay gudi waayeen.

Amitabh Bacchchan oo ay Soomaalidu u taqaanno Cali Dheere oo haatan 76 sano jir ah ayaa 70 Beeraleey ah oo ka mid ah kuwa uu daymaha ka dhiibay waxa uu si gaar ah ugu casuumay gurigiisa Mumbai, si uu ugu wareejiyo waraaqaha caddeymaha Bankiga ee tilmaamaya inuu deyntaasi ka dhiibay.

Mar sii horreysayna waxa uu Bachchan deymo ka bixiyay 350 Beeraleey ah oo ku nool gobolka Maharashtra.

Deymaha uu Amitabh Bachchan ka masaxay Beeraleyda ayaa waxay gaarayaan 40 Milyan oo Rupee oo u dhiganta ($560,000 oo dollar).

Dhanka kale jilaagan weyn ayaa waxa uu boggiisa Twitter-ka ugu hambalyeeyay ummadda Islaamka ah dhalashada ama Mowliidka Nebi Muxammad (NNKH).




Isha Wararka

Nagala soo xiriir: info@ishawararka.net