Xaaji Kader Khan; Jillaagii weynaa ee Bollywood-ka Hindiya ee sameeyay in ka badan 300 oo filim oo geeriyooday

0
Tuesday January 01, 2019 - 17:17:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 575
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaji Kader Khan; Jillaagii weynaa ee Bollywood-ka Hindiya ee sameeyay in ka badan 300 oo filim oo geeriyooday

    Toronto -The Indian Express

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Toronto -The Indian Express

Jilaagii caanka ahaa ee Bollywood-ka Hindiya Kader Khan ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaallada Toronto ee waddanka Canada, halkaas oo uu muddo dheer ku xanuunsanayay.

ALLAHA u naxariistee Xaaji Kader khan oo 81 jir ahaa waxa uu ka mid ahaa xiddigihii ugu caansanaa ee soo mara shirkadda filimmada samaysa ee Hindiya, waxaana da’diisu ahayd 81 sanadood.

Waxa uu Kader Khan la il darnaa laleemmada (Supranuclear Palsy) kaas oo dhelli tirnaantii jirkiisa wax badan u dhimay, socodkana ku adkeeyay.

Kader Khan waxa uu sameeyay in ka badan 300 oo filim, waxa uu ku dhashay Magaallada Kabul ee Afghanistan 22 October, 1937-kii, Aabihiis Abdul Rahman Khan wuxuu ka soo jeedaa Kandahar (Afghanistan), halka hooyadiis Iqbal ay ka soo jeeddo gobolka Balochistan ee Pakistan.

Taas micneheedu waa in Kader Khan oo ku soo biiray Bollywood-ka sanadkii 1973-kii uu ku dhashay Afghanistan, ku soo barbaaray Pakistan, xiddig la wada yaqaannana ku noqday Hindiya, waxaana dhammaan shucuubta saddexdaasi waddan ay tebi doonaan Kader Khan.

Sanadihii Siddeetameeyadii iyo Sagaashameeyadii ayuu Kader Khan qurxiyay filimmada Hindiya, isagoo sidoo kalena ahaa qoraa iyo diyaariye dhanka filimmada ah, waxa uu ahaa nin aad looga jeclaa waddanka Hindiya oo akhyaar ahaa, intii uusan geeriyoonna isagoo kursi lagu riixayo soo booqday dhulka barakeysan ee Makkah halkaasoo uu soo gutay waajibaadkii Xajka.

Image result for kader khan photos

Sawir hore: Kader Khan iyo Amitabh Bachchan

Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net