Ma Ebola ayaa soo gaaray Qaaradda Yurub? Nin loo badinayo inuu qabo cudurka Ebola oo lagu dabiibayo Sweden

0
Friday January 04, 2019 - 20:01:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Ebola ayaa soo gaaray Qaaradda Yurub? Nin loo badinayo inuu qabo cudurka Ebola oo lagu dabiibayo Sweden

    Uppsala -Reuters

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Uppsala -Reuters


Waddanka Sweden ayaa lagu daweynayaa qof loo badinayo inuu qabo virus-ka xanuunka dilaaga ah ee Ebola ee dadka badan ku dilay qaaradda Afrika.

Qofkan xanuunsan oo aan la shaacin halka uu ka soo jeedo ayaa lagu hayaa Isbitaalka Jaamacadda Uppsala, iyadoo jawaabta baaritaannadana la filayo in lagu dhawaaqo caawa.

Waxaa la sheegayaa in qofkan jirran uu ka yimid Qaaradda Afrika, isla markaana uu dhiig hunqaacay.

Illaa 11,000 oo qofood ayaa cudurka Ebola ugu dhimatay Qaaradda Afrika intii u dhexeysay 2014-2015, hase ahaatee haatan waxaa la tilmaamayaa in cudurkani u soo gudbay qaaradda Yurub, maadaama xaalado cudurkan ah laga soo sheegay Spain, Talyaaniga iyo Ingiriiska.

Dadka ku dhaqan Uppsala ayaa loogu baaqay in haddii ay isku arkaan qandho iyo nabarro jirka ka soo baxa ay deg deg ula soo xiriiraan goobaha caafimaadka.

Qofka xanuunkan qaba ee la karantiilay ayaa saddex toddobaad kaddib ka soo laabtay safarro uu ku tegay Afrikada galbeed iyo meelo ka tirsan Burundi.

Cudurkan ayaa hadda ka hor ka billowday Guinea oo uu ku dilay 2,544 qofood, waxaana uu u gudbay Sierra Leone oo isna ay u dhinteen 3,956 ruux halka Liberia ay ahayd halkii ugu xumeyd oo ay ku naf waayeen 4,810 qofood.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net