Imisa ayaa laga siistaa ragga ku nool dalalka horumray ee lacag la'aanta darteed iibsada Shahwadooda?

0
Tuesday January 08, 2019 - 20:05:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 549
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imisa ayaa laga siistaa ragga ku nool dalalka horumray ee lacag la'aanta darteed iibsada Shahwadooda?

    New York -Sources

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

New York -Sources


Waxaa jira rag dhallinyaro ah oo ku nool dalalka horumaray ee caalamka, kuwaas oo si ay u helaan lacag ka dheeri ah inta ay shaqo maalmeedkooda ka helaan ka raadiyay iibsiga shahwadooda (Sperm), iyagoo ganacsigaasi qabatimay illaa markii dambe ay u noqotay shaqo kale oo caadi ah.

Marka ay raggaasi tagaan goobaha biyaha ragga lagu keydiyo (Sperm Bank) ayaa waxaa ay iibsadaan shahwadooda, iyadoo bankigaasi lagu keydinayo, markii caafimaadkiisa la tijaabiyana loo lacaynayo.

Tusaale ragga shahwada dhiibaya (Sperm doners) waa inay da’doodu u dhexeysaa 18-40 sanadood, caafimaadkooduna tam yahay, waxaana halkii Shahwo laga siistaa 100 illaa 150 dollar.

Waxaa lagu sameeyaa tijaabooyin caafimaad oo lacag la’aan ah, iyadoo sidoo kalena la kontoroolayo hida sidayaashiisa.

Dhallinyarada qaarkood ku nool Yurub iyo Mareykanka ayaa waxaa jira kuwo Shahwadooda iibsada oo bishii markii dhowr mar ay shubaan ka hela illaa 1,200 dollar, sanadkiina illaa 14,000 oo dollar, iyadoo ay jiraan kuwo isbuucii dhowr jeer biyahooda iibsado oo sanadkiina sameeya lacag intaa ka badan.

Waxaa jira tilmaamo gaar ah oo uu ninka wax iibsanaya leeyahay, sida dhirirkiisa, timihiisa, qaabka jirkiisa iwm, kuwaas oo lagu qorayo feelkiisa, si hadhoow haweeneydii dooneysa ay macluumaadkaa u akhrisato.

Dumar fara badan ayaa qiimo jaban ku soo iibsada biyahaasi ragga intay tagaan Bankiga shahwada lagu keydiyo, kaddibna lagu tallaalaa sidaana ku ilma dhala.

Ninka iibsaday biyihiisa waxaa u furan in uu noqdo nin hadhoow meel lagala soo xiriiro leh, halka qaarna ay door bidaan in ay magacooda qariyaan si aan marnaba loo ogaanin, waxaana dumarka qaar ay door bidayaan ragga tilmaalihii ay rabeen leh ee magacoodana qariyay si aan hadhoow haddii ay shahwadii ay iibsadeen carruur ugu dhalaan aan dib loogu soo raacan.

Lamaanayaal fara badan oo is qaba oo carruur heli waayay ayay sidoo kale ka caawisaa in biyahaasi haweeneydu soo iibsatay ay ubad ku helaan.

Muuqaalkan hoose waa nin lagu magacaabo Michael Rubino oo Mareykanka ku nool kaasoo go'aansaday in uu ku tabaruco biyihiisa dumar aan carruur haysan halkaasna ay shahwadii uu bixiyay ku dhasheen 19 carruur ah oo dhammaantood ay wada xiriiraan, waxaana mararka qaarkood ilmahaasi qaaradaha adduuka ku kala nool ay isugu yimaadaan gurigiis Los Angeles.

Dhammaantood way u qirsan yihiin inuu yahay aabahood, waloow ay jiraan kuwo yiri "Ma dhihi karno Aabe rasmi ah, waayo aabaha rasmiga ah waxaa la yiraahdaa midka carruurtiisa soo koriya".



Isha Wararka

Nagala soo xiriir; ifo@ishawararka.net