Fannaaniinta caalamiga ah ee Mariah Carey iyo Sean Paul oo xaflad heeso ah ku qaban doona Sucuudiga

0
Sunday January 27, 2019 - 14:25:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 722
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fannaaniinta caalamiga ah ee Mariah Carey iyo Sean Paul oo xaflad heeso ah ku qaban doona Sucuudiga

    Jeddah -StraitsTimes

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Jeddah -StraitsTimes


Markii ugu horreysay ayaa waxaa fannaaniinta caalamiga ah ee Mariah Carey iyo Sean Paul oo u kala dhashay Mareykanka iyo Jamaica waxa ay xaflad ay heesahooda ku soo bandhigayaan ku qaban doonaan boqortooyada Sucuudiga.

31 Bishan Janaayo ayaa waxaa magaallada xarunta ganacsiga ah ee King Abdullah Economic City ee Sucuudiga ee ku teedsan badda cas lagu qaban doonaa tartanka caalamiga ah ee ciyaarta Golf-ka.

Sucuudiga oo isku dayaya in uu sare u qaado qaybihiisa Madadaallada oo uu gaarsiiyo heer caalami ayaa waxa uu casuumay fannaaniin waaweyn sida fannaanadda Mareykanka ahna qoraa dhanka heesaha ah Mariah Carey.

Fannaanka kale ee heesaha Rap-ka ee Jamaica Sean Paul ayaa isna iman doona madashaasi, halka sidoo kalena la casuumay fannaanka ahna jilaaga iyo qoraaga dhanka heesaha ah ee u dhashay Spanishka Enrique Iglesias iyo DJ-ga caalamiga ah ee isku duba rida Muusigga David Guetta.

Wasiirka dhallinyarada iyo Isboortiga Sucuudiga Turki Al Sheikh ayaa sheegay in maalgashiga dhanka shirkadda madadaallada Sucuudigu ay shaqo abuur badan u sameyn doonto kummanaan dhallinyaro Sucuudiyaan ah.






Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net