Dhiciskii ugu yaraa Adduunka oo Isbitaalka laga saaray gurigii hooyadiisna loo gudbiyay markii uu koray

0
Wednesday February 27, 2019 - 22:42:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhiciskii ugu yaraa Adduunka oo Isbitaalka laga saaray gurigii hooyadiisna loo gudbiyay markii uu koray

    Tokyo -AFP

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Tokyo -AFP

Jaamacadda Tokyo ayaa ku dhawaaqday in inankii dhiciska ahaa ee ugu miisaanka yaraa adduunka ee ku dhashay 268 grams laga saaray isbitaalka jaamacadda markii la daryeelay culeyskiisana la gaarsiiyay 3,238 gram.

Miisaanka uu ku dhashay wiilkaasi yar ee Japanese-ka ah ayaa ka yaraa 10 ounces ama si kale haddii loo dhigo waxaa culeys weynaa gasac cabitaanka Coca colada ah, waxaana yaraan intuu ka qabay uu ku filnaa inuu dhex seexdo sacabada qof qaan gaar ah.

5 bilood oo daaweyn iyo xanaanno gooni ah kaddib aad ayuu u soo kabtay inankani yar, taasoo keentay in haatan isbitaalka laga saaro oo gurigii hooyadiis loo ogolaado.

Hooyadiis waxay sheegtay inaysan aaminsanayn in canuggan yar oo ahaa dhicis ku dhashay 24 isbuuc uu sii noolaan karay.

Rikoodhkii Dhiciskii ku dhashay miisaankii ugu yaraa caalamka waxaa haystay wiil yar oo ku dhashay 274 grams, kaasoo ku dhashay Jarmalka, halka sidoo kalena inantii ugu yareyd dhicisyada caalamkana ay ku dhalatay Jarmalka 2015 sida la xaqiijiyay.

Adduunka waxaa ka diiwaan gashan in dhicisyada ugu tabarta yar ee ku dhashay wax ka yar 300 grams aysan intooda badan sii noolaan iyadoo keliya haatan ay nool yihiin 23 oo qura, kuwaasoo 4 ka mid ah ay rag yihiin.

a close up of a person holding a baby: The baby is now healthy and has been discharged from hospital (Keio University Hospital/AFP/Getty Images)


inankii yaraa markii uu naaxay

He became the smallest newborn boy in the world to leave hospital safely (Keio University Hospital/AFP/Getty Images)

Isha Wararka 
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net