Shabakadda Internet-ka ee aan isticmaalno ee (www) oo maanta 30 jirsatay iyo ninkii aas aasay oo wareysi bixiyay

0
Tuesday March 12, 2019 - 23:00:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabakadda Internet-ka ee aan isticmaalno ee (www) oo maanta 30 jirsatay iyo ninkii aas aasay oo wareysi bixiyay

    London -Bild

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

London -Bild


Waxaa maanta Internet-ku xusayaa sanad guuradii 30-aad markii la aas aasay shabakadda caalamiga ah ee (world wide web) ee loo soo gaabiyo www ama webka ee laga helo macluumaadka iyo dukumiintiyada iyadoo la raacayo habka xogtaasi sida tooska ah looga helo ee Uniform Resource Locators (URLs, sida http://www.tusaale.com).

Maanta oo kale 12-kii Maarso 1989-kii waxaa Injineerka ahna Saynisyahanka dhanka Kumbiyuutarka Tim Berners-Lee ee u dhashay Ingiriiska uu hindisay shabakadda (www), isagoo markaa u shaqeynayay shirkad lagu magacaabo CERN ee Midowga Yurub u qaabilsan baaritaannada Nukliyeerka qaybteeda Shaybaarka Fiisikiska.

MrTim Berners-Lee haatan waa 63 jir, wuxuuna haatan macallin dhanka Seyniska Computerka ka dhigaa Jaamacadaha Oxford iyo Massachusetts.

12-kii Maarso 1989-kii waxaa Tim Berners-Lee uu soo jeedin dhinaca nidaamka maamulidda macluumaadka ah uu u diray madixii shirkaddiisa, hase yeeshee maamulihiisii ayaa ugu soo jawaabay "wax la fahmi karo maahan, hase yeeshee waa mid xiiso leh".

Farriintaasi ayaa ahayd tii ugu horreysay ee salka u dhigtay waxa maanta loo yaqaanno shabakadda www xagga Internet-ka.

30 sanadood kaddib kala bar dadka caalamka ku nool waxay isticmaalaan Internetka iyagoo Online ah, gaar ahaan shabakadaha Google, Facebook iyo Twitter, kuwaasoo dhammaantood laga hor mariyo (www).

Wareysi uu bixiyay aas aasaha world wide web wuxuu ku sheegay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan xagga webka sida, marin habaabin badan, burcadnimo, siyaabo aan sharci ahayn oo loo isticmaalo baraha qaar, bani’aadamka oo baraha bulshada isku dhibaateeya iwm.

Wuxuu sheegay inaan loo baahnayn in dunidu cambaareyso dowladaha, hase yeeshee ay muhiim tahay in 3.2 bilyan oo qof ee isticmaala Internet-ka ay isu yimaadaan iyagoo ku mideysan shabakadda Internet-ka.

Arrinta yaabka leh ayaa waxay tahay in Tim Berners-Lee uusan ka mid ahayn dadka ugu taajirsan caalamka, maadaama uu lahaa fikradda www hase yeeshee waxaa hantidiisa lagu qiyaasaa 50 milyan oo dollar, waxaana ka magac iyo maal batay milkiileyaasha Facebook, Microsoft iyo Apple.

Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net