Vladimir-kii Weynaa: Ruushka oo dhameystiray Gujiska xambaaraya gantaalaha Nukliyerka oo wax ka tooganaya 10km

0
Wednesday March 20, 2019 - 13:46:40 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 292
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Vladimir-kii Weynaa: Ruushka oo dhameystiray Gujiska xambaaraya gantaalaha Nukliyerka oo wax ka tooganaya 10km

    Moscow -Ruptly

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Moscow -Ruptly


Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in ay dhameystirtay Markabka nuuca gujiska ah ee xambaaraya gantaalaha Nukliyeerka.

Gujiskan oo lagu magacaabo ‘Vladimir-kii weynaa’ ayaa waxaa laga soo saaray saldhigii lagu sameeyay iyadoo lagu sii daayay badda Arctic, waxaana gujiskan nuuciisu yahay Borei, waxaana uu xambaari karaa 20 Gantaal Nukliyeer oo qaaradaha ka gudbaya.

Waxaa kale oo Gujiskani awood u leeyahay inuu magaallooyinka ka duqeeyo meel u jirta 10km.

Wargeysyada caalamka ayaa qoraya in Moscow ay badinayso Gujisyada nuucan ah oo ay gaarsiinayso illaa 10, waxaana midkan haatan la dhameeyay howshiisa la bilaabay sanadkii 2012, xilligaas oo uu mashruucaasi xarigga ka jaray Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Gujiskan waxa uu shaqadiisa bilaabi doonaa isla sanadkan 2019, waxaana lagu tilmaamay mid 400m hoos u quuseysa oo aysan Raadaarradu arki karin.

Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net