Magaallada New York ee Mareykanka oo ku dhawaaqday xaalad caafimaad oo deg deg ah markii uu ku faafay cudurka…

0
Wednesday April 10, 2019 - 22:32:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 239
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaallada New York ee Mareykanka oo ku dhawaaqday xaalad caafimaad oo deg deg ah markii uu ku faafay cudurka…

    New York -NYTimes

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

New York -NYTimes

Magaallada New York ee waddanka Mareykanka ayaa waxaa ka dillaacay cudurka Jadeecada, kaas oo gaaray in duqa magaalladaasi Bill de Blasio uu ku dhawaaqo in magaalladu gashay xaalad caafimaad oo deg deg ah.

Illaa iyo haatan waxaa la xaqiijiyay in 285 qofood oo carruur u badan ay soo ridatay Jadeecada, kuwaasoo u badan carruur da’doodu ka hooseyso 18 sanadood.

Waa markii ugu horreysay ee uu cudurkai sida ba’an ugu faafo magaallada New York tan iyo 1991-kii.

Sababaha cudurkani ugu fiday xaafadaha Williamsburg iyo Brooklyn ayaa waxaa ka mid ah kaddib markii dadka deegaanka qaarkood oo u badan Jaaliyadda Yuhuuddu ay diideen in ay qaataan tallaalka cudurka Jadeecada oo ay ku tilmaameen mid ay ku jirto dhacaanno Daanyeer iyo Doofaar.

Dowladdu waxay sheegtay in tallaalka Jadeecada si qalad ah loo fahmay, isla markaana waxa la sheegayo aysan ku jirin oo uu yahay mid aan wax halis ah lahayn oo si wanaagsan loo soo tijaabiyay muddo fogna la isticmaali jiray.

Waalidiinta diidda in carruurtooda la tallaalo ayaa duqa magaallada NY Blasio wuxuu sheegay in lagu ganaaxi doono 1000 dollar, halka Iskuullada diida in ay carruurtooda tallaalaanna la xiri doono illaa inta arrintaasi laga xallinayo.

Guud ahaan gobollada Mareykanka waxaa laga sheegay 465 kiis oo Jadeeco ah tan iyo billowgii 2019, halka dhanka magaallada New York-na sanadkii 2017-kii lagu arkay 2 kiis oo Jadeeco ah.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net