Shiinaha oo soo geba-gebeynaya dhismaha garoonka diyaaradeed ee ugu weyn Caalamka (Baaxaddiisu waa imisa?)

0
Monday April 15, 2019 - 22:11:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiinaha oo soo geba-gebeynaya dhismaha garoonka diyaaradeed ee ugu weyn Caalamka (Baaxaddiisu waa imisa?)

    Beijing -BBC

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Beijing -BBC


Waxaa heer geba gebo ah ku dhow garoonka diyaaradaha ugu weyn Adduunka oo Shiinuhu ka dhisanayo Koonfurta magaallada Beijing, iyadoo garoonkaasi uu noqon doono kan ugu shaqada badan marka la eego dadka safarka ah.

Haatan garoonka diyaaradaha Beijing waa mid ka mid ah madaarrada ugu waaweyn caalamka isaga iyo garoonka Atalanta ee gobolka Georgia ee Mareykanka, laakiin Shiinaha ayaa go’aansaday in ay garoon kaa ka casrisan, kana weyn ay dhistaan.

Garoonkan cusub waxaa baaxaddiisu ay gaaraysaa 1 Milyan oo laba jibbaaran, iyadoo dhismihiisa la billaabay sanadkii 2016, waxaana la dhameyn doonaa bisha June 2019, halka shaqadiisa ganacsina uu toos u billaabi doono isla September ee sanadkan.

Injineerrada ugu wanaagsan Shiinaha iyo shaqaale aad u fara badan ayaa ka qayb galaya dhismaha garoonkan diyaaradeed oo lagu wado in 2025-ka ay ka dhoofaan dad gaaraya 170 milyan oo qofood sanadkii.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net