Sucuudiga oo bishii Ramadaan arki waayay iyo dalal badan oo Carbeed iyo Islaam ah oo ku dhawaaqay in Isniinta…

0
Saturday May 04, 2019 - 21:53:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sucuudiga oo bishii Ramadaan arki waayay iyo dalal badan oo Carbeed iyo Islaam ah oo ku dhawaaqay in Isniinta…

    Riyadh -ArabNews

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Riyadh -ArabNews

Sucuudiga ayaa ka cudur daartay in ay arki waayeen bishii barakeysnayd ee Ramadaan, sidaa awgeedna berri oo Axad ah waxaa la isku raacay in la dhameystirayo bisha Shacbaan, Isniintuna ay noqonayso maalinta ugu horreysa bisha barakeysan ee Ramadaan.

Jawiga Sucuudiga ayaa saamixi waayay in Maxkamadda Sare ee Aragtida Bisha ay ka shaaciso ku dhawaaqidda in la arkay bisha, maadaama daruuro roobeed ay qariyeen cirka.

Waddammo badan oo ay Soomaaliya ka mid tahay ayaa shaaciyay in Isniinta 06 May 2019 ay tahay 1-da Ramadaan, waxaana dalalkaasi ka mid ah; Qatar, Ciraaq, Turkey, Imaaraatka, Kuwait, Oman, Masar, Sudan, Falastiin, Jordan, Morocco, Tunisia, Algeria, Mauritania.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net