Mareykanka oo Hindiya ku wareejiyay dalabkoodii 1-aad ee diyaaradda nuuceedu yahay Apache AH-64E

0
Saturday May 11, 2019 - 21:08:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo Hindiya ku wareejiyay dalabkoodii 1-aad ee diyaaradda nuuceedu yahay Apache AH-64E

    Mumbai -Times of India

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Mumbai -Times of India


Shirkadda Mareykanka ee Boeing ayaa diyaaraddii 1-aad ee Helikobtar ah oo nooceedu yahay Apache AH-64E ee gantaalaha tuurta waxa ay ku wareejiyeen ciidammada Cirka Hindiya, waxaana diyaaraddani ay qayb ka tahay heshiis 3 sanadood iyo bar ahaa oo ay kala saxiixdeen Hindiya iyo Mareykanka.

Heshiiska oo ku kacayay dhowr bilyan ayay labada dowladood kala saxixixdeen September 2015 waxaana uu dhigayay in 22 Helikobter oo Apache Guardian ah loo soo sameeyo Hindiya, iyadoo qaybta ugu horreysa ee diyaaradahanina bisha July loo soo gacan gelin doono.

Inta hartay ayaa iyana la soo dhameystiri doonaa illaa bisha Maarso 2020-ka, waxaana waayadan dambe ay Hindiya noqdeen waddanka Ajnabiga ah ee hubka ugu badan ka iibsada Mareykanka.

Diyaaradahan oo leh Aragtida habeenkii iyo GPS-yo casri ah oo sheegaya goobaha bar tilmaameedka ah ayaa waxay ay Hindiya ku dooratay iyagoo ku fiican dagaalka dhanka dhulalka Buuraha ah, isla markaana tuuraysa boqollaal gantaalaha ‘Hell fire’.










Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net