Sidee looga fal celiyay markii Nicki Minaj ay diidday inay xaflad ku soo qabato Sucuudiga

0
Wednesday July 10, 2019 - 22:40:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 707
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sidee looga fal celiyay markii Nicki Minaj ay diidday inay xaflad ku soo qabato Sucuudiga

    Jeddah -SkyNews

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Jeddah -SkyNews


Kaddib markii fannaanadda heesaha Rap-ka Mareykanka ee Nicki Minaj ay joojisay xaflad ama show ay ku qaban lahayd magaallada Jeddah ee Sucuudiga ayaa waxaa dadka isticmaala baraha bulshada ay siyaabo kala duwan uga fal celiyeen.

Nicki Minaj ayaa waxa ay ku macneysay sababaha ay ku diidday xafladdaasi Sucuudiga inay tahay maadaama ay taageertay xuquuqda dumarka iyo laga roonayaasha, taas oo sheegtay inaysan Sucuudiga ka jirin.

Hay’ado fara badan oo u ololeeya xuquuqda dumarka ayaa ku farxay go’aankan ay qaadatay Nicki Minaj oo qorshuhu ahaa inay ka soo heesto Sucuudiga 18 bishan July.

Dad fara badan oo Sucuudiyaan ah iyo Carbeed oo isticmaala baraha bulshada ayaa ku farxay baaqashada Nicki oo ay ku tilmaameen in dharkeeda qafiifka ah iyo erayadeeda ay ku heesto ee bilaa xushmadda ah aysan ku habooneyn waddan sida Sucuudiga oo kale ah.

Dadka qaar ayaa sheegay in halka ay Nicki Minaj ka difaacday mabaadii’da ay aaminsan tahay ay ahayd kuwa casuumayna inay mabaadii’dooda ilaashadaan.

Taageerayaal kale oo badan oo Sucuudiyaan ah ayaa iyaguna ka carooday inay arki waayaan Minaj, iyagoo sheegay in baaqashada nuucaasi ah ay saameyn ku yeelanayso fikirka ay caalamku ka qabaan Sucuudiga.

Nicki Minaj waxa ay 20 Milyan oo taageerayaal ah ay ku leedahay Twitter-ka, halka sidoo kalena in ka badan 100 milyan oo taageerayaal ahna ay ku leedahay Instagram.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net