Daawo Ruushka oo soo bandhigtay muuqaalka isagoo nidaamka difaaca Gantaalaha S-400 u raraya Turkiga

0
Friday July 12, 2019 - 23:00:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 296
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Ruushka oo soo bandhigtay muuqaalka isagoo nidaamka difaaca Gantaalaha S-400 u raraya Turkiga

    Ankara -RT

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Ankara -RT


Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa soo bandhigtay muuqaal video ah oo muujinaya iyagoo maanta diyaarado ku raraya nidaamka difaaca gantaalaha S-400 kuwaas oo laga dejiyay Turkiga, waxaana arrintani ay horudhac u tahay heshiis culus oo uu Ruushku qalabkani kaga iibiyay Turkiga.

Mareykanka ayaa muddo ka biyo diidsanaa in nidaamka difaaca gantaalaha ee ugu dambeeyay S-400 loo gacan geliyo Turkiga, hase yeeshee Ruushka ayaa ku adkeystay inuu heshiiskaasi ganacsi la galo Turkiga, kaas oo ku kacayay 2.5 bilyan oo dollar.

Waxyaabaha uu Mareykanku aadka uga carooday waxaa ka mid ah in mar qura Turkigu helo nidaamka difaaca Gantaalaha ee S-400 iyo Diyaaradaha dagaalka ee F-35, maadaama USA iyo Turkey ay ku wada jiraan Gaashaanbuurta NATO.

Qalabkan casriga ah ee difaaca gantaalaha ayaa maanta laga soo dejiyay saldhig ciidan oo ku yaalla magaallada Ankara, sida ay sheegtay wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga.

Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net