Wayne Rooney oo dib ugu soo laabanaya Ingiriiska kaddib markii uu heshiis la galay kooxda Derby County

0
Tuesday August 06, 2019 - 22:00:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 90
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wayne Rooney oo dib ugu soo laabanaya Ingiriiska kaddib markii uu heshiis la galay kooxda Derby County

    London -BBC

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

London -BBC


Weeraryahankii hore ee xulka qaranka Ingiriiska Wayne Rooney oo haatan u ciyaaraya kooxda DC United ee ka dhisan Washington ayaa waxa uu heshiis 18 bilood ah u saxiixay kooxda heerka hoose ee Championship-ka Ingiriiska ka dheesha ee Derby County.

Rooney oo 33 sano jir ah oo bishii July 2018 ku biiray kooxda DC United isagoo ka yimid Everton ayaa waxa uu 41 kulan oo uu u ciyaaray uu u dhaliyay 23 gool.

Haatan waxa uu dhaliyihii ugu goolasha badnaa taariikhda xulka Ingiriiska uu heshiis ciyaartooy iyo macallin labadaba isugu jira ugu dheeli doonaa kooxda Derby County.

"Waxaan hubaa inaan wax badan ku soo kordhin doono Derby" ayuu yiri laacibkii hore ee Manchester United Rooney oo naadigiisan cusub ee Derby ku soo biiraya bisha Janaayo ee 2020.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net