Philippe Coutinho oo lagu soo dhoweeyay lambarka 10-aad ee kooxda Bayern Munich

0
Monday August 19, 2019 - 20:39:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 45
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Philippe Coutinho oo lagu soo dhoweeyay lambarka 10-aad ee kooxda Bayern Munich

    Munich -Bild

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Munich -Bild

Kooxda Kubadda cagta Barcelona ee waddanka Spain ayaa shaacisay in Laacibkeeda Khadka dhexe ee wax weerara Philippe Coutinho ay amaah sanad ah ku siisay naadiga Bayern Munich, heshiiskaas oo ku kacaya 8.5 Milyan oo Euro.

Qandaraaskan ayaa dhigaya in Bayern Munich ay si toos ah u iibsan karto laacibka reer Brazil ee 27 jirka ah haddii ay oggolaato inay bixiso120 Milyan oo Euro.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Liverpool Coutinho, ma uusan ciyaarin kulankii ugu horreeyay ee furitaanka Horyaalka Spain ee Barcelona ay la ciyaartay kooxda Atletico Bilbao, ciyaartaas oo 1-0 looga adkaaday Barcelona.

Coutinho waxa uu Barcelona ku soo biiray bishii Janaayo 2018, kaddib markii ay 142 milyan oo Giniga Istarliinka ah kaga soo qaadatay Liverpool.

Haatan waxaa Coutinho loo xiray lambarka 10-aad ee Bayern Munich ee uu iska dhigay xidiggii hore ee reer Holland Argen Robben, kaasoo muddo dheer kaddib sagootiyay naadiga Bavarian-ka ah.



Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net