Isku aadka qaybaha ee Kooxaha UEFA Champions League oo la sameeyay

0
Thursday August 29, 2019 - 22:33:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 34
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isku aadka qaybaha ee Kooxaha UEFA Champions League oo la sameeyay

    Monaco -AFP

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Monaco -AFP


Isku aadka qaybaha ee kooxaha Koobka UEFA Champions League ayaa caawa lagu sameeyey Magaalada Monaco ee dalka Faransiiska iyadoo qaybta ugu adag la oran karo Qaybta (F), (D) iyo (E).

Kooxda Spain ka dhisan ee Barcelona ayaa gashay Qayb adag, waxaana ay Guruubka (F) la gashay Borussia Dortmund iyo Inter.

Real Madrid ayaa Guruubka (A) ku arki doonta naadiga PSG iyo Galatasaray, halka Bayern Munich ay guruubka B ku wajahayso Tottenham Hotspur.

Kooxda Juventus ayaa dhankeeda guruubka D kula jirta kooxda reer Spain ee Atletico Madrid.

Kulamada wareega group-yada waxaa la ciyaari doonaa September 17-18, October 1-2, October 22-23, November 5-6, November 26-7 iyo December 10-11.

Isku aadka oo dhammaystiran halkaa hoose ka eeg:-

Group A:  PSG, Real Madrid, Club Brugge, Galatasaray

Group B: Bayern Munich, Tottenham Hotspur, Olympiacos, Red Star

Group C: Manchester City, Shakhtar, Dinamo Zagreb, Atalanta

Group D: Juventus, Atletico Madrid, Bayer Leverkusen, Lokomotiv Moscow

Group E: Liverpool, Napoli, RB Salzburg, Genk

Group F: Barcelona, Borussia Dortmund, Inter, Slavia Prague

Group G: Zenit, Benfica, Lyon, RB Leipzig

Group H: Chelsea, Ajax, Valencia, Lille



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net