Oliver Kahn oo loo magacaabay Guddoomiyaha Bayern Munich ee beddeli doona Rummenigge

0
Friday August 30, 2019 - 22:10:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 79
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Oliver Kahn oo loo magacaabay Guddoomiyaha Bayern Munich ee beddeli doona Rummenigge

    Munich -DW

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Munich -DW

Kabtankii iyo Goolhayihii hore ee kooxda Bayern Munich iyo xulka Jarmalka, Oliver Kahn ayaa ku soo laabtay naadiga Munich waxaana haatan lagu soo daray madaxda sare ee kooxda.

Bogga Internet-ka Bayern Munich ayaa lagu qoray in kooxdu heshiis 5 sanadood ah la saxiixatay goolhayihii hore ee cajiibka ahaa, waxaana qandaraaskani bilaaban doonaa 01 Janaayo 2020.

Waxaa sidoo kale Kahn uu beddeli doonaa guddoomiyaha Bayern Munich, Karl-Heinz Rummenigge oo heshiiskiisu dhacayo 31 December, 2021, iyadoo kaddib 01 Janaayo 2022 uu Kahn booska kala wareegi doonaa Rummenigge.

"Waa ninka ku haboon inuu noqdo Guddoomiyaha Bayern Munich, waxa uu muddo dheer Oliver Kahn ahaa ciyaaryahan muhiim ah oo ka tirsanaa taariikhda kooxda Bayern iyo xulka Jarmalka, waa nin kubadda cagta aqoon u leh, garanaya ganacsiga, siina kaxeyn kara kooxda Bayern Munich” ayaa lagu yiri warbixin ay Bayern Munich soo qortay.

Goolhaye Kahn oo 50 jir ah waxa uu Bayern Munich u soo dheelay intii u dhexeysay 1994-2008 ka hor intii uusan ciyaaraha ka fariisan, waxaana uu kooxdiisa kula guuleystay dhammaan koobabka ugu muhiimsan kubadda cagta.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net