Daawo dibadbaxyadii waaweynaa ee ka dhacay Ingiriiska ee looga soo horjeeday Boris Johnson iyo ka bixitaanka EU

0
Saturday August 31, 2019 - 22:35:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo dibadbaxyadii waaweynaa ee ka dhacay Ingiriiska ee looga soo horjeeday Boris Johnson iyo ka bixitaanka EU

    London -Reuters

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

London -Reuters


Waxaa magaallooyinka waaweyn ee Ingiriiska ka dhacay dibadbaxyo kummanaan kun oo qof ay ka qayb galeen, kuwaasoo looga soo horjeeday in xoog lagu maquuniyo dimuqraadiyadda iyo rabitaanka dadka Ingiriiska isla markaana Ingiriisku xoog ka baxo midowga Yurub (Brexit).

Ra’iisul Wasaaraha dhowaan la doortay ee Ingiriiska Boris Johnson ayaa wada olole culus oo uu kaga faa’iideysanayo waqtiga yar ee u haray Ingiriiska si heshiis looga wada gaaro ka bixitaankooda dalalka ku midoobay EU, taas oo ku eg dhammaadka bisha Oktoobar ee soo socota.

Dadka dibadbaxaya ayaa waxay codsanayaan in aan la afduubin dimuqraadiyadda, oo uusan Boris dadka ku qasbin waxa uu isagu rabo, ayna doonayaan in ay ka sii mid ahaadaan Midowga Yurub oo ay wax badan ka mideysan yihiin, dano badanna isugu jiraan.

Waxaa dadka isku soo baxay ay isku ballansanayeen in la sii wado isu soo baxyada isbuucyada soo socda si loo hor istaago in Ingiriisku ka madax bannaanaado wadammada ku jira Midowga Yurub.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net