Qatar oo soo bandhigtay astaanta Koobka Adduunka ay marti gelinayso ee 2022

0
Tuesday September 03, 2019 - 21:43:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qatar oo soo bandhigtay astaanta Koobka Adduunka ay marti gelinayso ee 2022

    Doha -ArabNews

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Doha -ArabNews

Waxaa maanta la soo bandhigay sawirka ama astaanta gaarka ah ee uu yeelanayo Koobka Adduunka 2022 ee ay marti gelin doonto Qatar.

Xiriirka Kubadda cagta FIFA ayaa sheegay in astaantani ay tahay marada Shaal Dhaqameedka dalkaasi, lambarka 8-da ah ee ay u sameysan tahayna waa 8 garoon ee casriga ah ee ay Qatar u diyaarisay in lagu qabto ciyaaraha Adduunka 2022.

Qatar ayaa tartankii ay ku heshay marti gelinta ciyaarahani qiimaha leh waxa ay kaga soo guuleysatay dalal waaweyn oo kala ah; Mareykanka, Australia, Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

Inkastoo Qatar lagu eedeeyay inay qaab musuq maasuq ah ku heshay marti gelinta ciyaarahani, haddana xiriirka FIFA ayaa baaritaan uu waday muddo 2 sanadood ah wuxuu wax dembi ah ku soo waayay Qatar.




Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net