Dibadbax looga soo horjeedo inuu Ingiriisku is afgarad la'aan kaga baxo Midowga Yurub oo ka dhacay Berlin

0
Saturday September 07, 2019 - 23:51:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 22
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibadbax looga soo horjeedo inuu Ingiriisku is afgarad la'aan kaga baxo Midowga Yurub oo ka dhacay Berlin

    Berlin -DW

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Berlin -DW


Dibadbaxayaal badan oo ka tirsan kooxda lagu magacaabo ‘Stop The Coup’ Joojiya Inqilaabka ayaa isugu soo baxay bartamaha magaallada Berlin, waxaana ay ka mudaaharaadayeen in Ingiriisku uu heshiis la’aan kaga baxo midowga Yurub.

Dadka isku soo baxay ayaa sheegay in ay saxiixeen warqad codsi ah oo ay ku difaacayaan Dimuqraadiyadda Ingiriiska, iyagoo ka soo horjeeda qorshaha uu wado Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnsson ee uu ku doonayo in uu heshiis iyo heshiis la’aanba UK kaga baxdo EU ka hor waqtiga kama dambeysta ah ee 31 Oktoobar.

Waxay kaloo sheegeen kooxda Joojiya Afgembiga in ay saxiixyadooda u gudbin doonaan Safiirka Ingiriiska u fadhiya Berlin.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net