Tirada dadkii ku geeriyooday kuleylkii darnaa ee bilihii la soo dhaafay ku dhufay Faransiiska oo la shaaciyay

0
Sunday September 08, 2019 - 21:08:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada dadkii ku geeriyooday kuleylkii darnaa ee bilihii la soo dhaafay ku dhufay Faransiiska oo la shaaciyay

    Paris -AFP

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Paris -AFP

Wasaaradda Caafimaadka ee waddanka Faransiiska ayaa maanta ku dhawaaqday in tirada dadkii Faransiiska ahaa ee ku geeriyooday Kuleylkii darnaa ee ka dhacay dalkaasi ay gaarayaan 1,500 oo qof.

Laakiin Wasaaraddu waxay sheegtay in tiradani dhimashadu ay 10 jeer ka hooseyso tiradii ugubadneyd ee dad Faransiis ah ee kuleyl awgiis ugu dhintay 2003.

Agnes Buzyn, Wasiirka Caafimaadka Faransiiska oo la hadlaysay warbaahinta ayaa xustay in 567 oo qof ay ku geeriyoodeen kuleylkii darnaa ee dhammaadkii Bishii June illaa horraantii bishii July ee la soo dhaafay laga dareemay Faransiiska, halka 868 qofna ay ku dhinteen mowjaddii heer kulka ee xigtay ee dhammaadkii July.

Dhanka kale tiradan ayaa aad uga yar kuleylihii Faransiiska ee ay ku dhinteen 15,000 ee qof sanadkii 2003, kuleylkaas oo socday 20 maalmood.

Buzyn waxaa kale oo ay intaa ku dartay in Faransa ay aad u dhibtootay 18 maalmood oo sanadkan ka mid ah oo mowjado kulul laga dareemay, waxaana kala bar dadkii ku geeriyooday cimilladan kulul ay u badnaayeen dad da’doodu gaarayso 75 sanadood, waxaa kaloo ku jiray dad qaan gaar ah iyo carruur.

Heer kulka Faransiiska ayaa bishii July ee la soo dhaafay waxa uu gaaray 46°C, iyadoo sidoo kalena kuleylkaasi uu sameeyay inta badan dalalka Yurub.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net