Afhayeenka Baarlamanka Ingiriiska John Bercow oo 10 sano kaddib sheegay inuu xilka ka degayo

0
Monday September 09, 2019 - 22:46:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 290
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afhayeenka Baarlamanka Ingiriiska John Bercow oo 10 sano kaddib sheegay inuu xilka ka degayo

    London -BBC

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

London -BBC

Afhayeenka Aqalka Baarlamanka Ingiiriska ‘Commons Speaker’ John Bercow ayaa sheegay in 10 sano kaddib uu ka degayo xilka.

Ninkan oo dunidu aad u taqaanno ayaa ku caan baxay erayga ‘Order/Nidaam’ intuu dubaha miiska ku garaaco waxaana uu xilka qabtay sanadkii 2009 isagoo kursiga kala wareegay Michael Martin.

John Bercow wuxuu sheegay in shaqada ka fariisanayo midkood tii soo hor marta doorashada soo socota ama 31 Oktoobar xilliga loo qabtay ka bixitaanka Ingiriiska ee EU (Brexit).

Arrimo dhowr ah ayay dadka Ingiriiska qaarkood ku eedeynayaan Afhayeen John, waxaana ka mid ah in uu ka caga jiidayo arrinta ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub, sidoo kale waxaa mararka qaar lagu tilmaamaa nin isku dhex daaya Baarlamanka oo aan kala dhex galin xildhibaannada iyadoo halkaasi qaarkood lagu xadgudbo.

Hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha ee Labour-ka Ingiriisa Jeremy Corbyn ayaa farriin sagootin ah hawada u mariyay Afhayeenka Baarlamanka, isagoo sheegay inuu yahay nin muddo difaacayay dimuqraadiyadda.

Afhayeenka Baarlamanka Ingiriiska ayaa waxaa si qarsoodi ah doorasho ugu codeeya dhammaan xildhibaannada, waxaana markii ugu horreysay ee la doortay John Bercow uu sheegay in uusan 9 sano ka badan xilka hayn doonin.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net