Daawo Cristiano Ronaldo oo ilmada ceshan waayay markii loo daaray muuqaalka Aabihiis

0
Monday September 16, 2019 - 21:53:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 67
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Cristiano Ronaldo oo ilmada ceshan waayay markii loo daaray muuqaalka Aabihiis

    London -Itv

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

London -Itv

Xidigga kooxda Juventus iyo xulka qaranka Portugal, Cristiano Ronaldo ayaa waxaa wareysi dhinacyo badan taabanaya uu siiyay barnaamijka (Good Morning Britain) ee uu daadihiyo Piers Morgan.

Wareysigan oo dhinacyo badan taabanaya ayaa waxaa isagoo dhameystiran la daawan doonaa berri 17 September 2019, waxaana Ronaldo wax laga weydiiyay noloshiisa gaarka ah, dacwadda kufsiga ah ee lagu soo oogay iyo arrimo kale.

"Aad bay u adag tahay, waayo dadkoo dhan way arkeen horumarkii aan sameeyay, aabahayna ma uusan arag oo wuu geeriyooday, hooyadey, walaalahay, saaxiibtayda iyo wiilkaygaba way arkeen koobabkii aan ku guuleystay, balse aabahay ma arkin" ayuu yiri isagoo ilmeynaya.

Cristiano Ronaldo oo nolol adag ku soo koray ayaa waxaa aabihiis uu geeriyooday 2004, iyadoo wiilkiisa CR7 uu ku guuleystay abaalmarinno fara badan oo dhanka kubadda cagta ah hadday ahaan lahayd mid shaqsi iyo mid kooxeedba, waxaana uu hantay 5 kubbad oo dahab ah.



Halkan hoose ka daawo wareysiga Cristiano Ronaldo

https://youtu.be/oEDkxZ_foTQ


Isha Wararka

Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net