Abdelhak Nouri : laacibkii u soo baxay Ajax balse nasiib darro uu dhaawaca culus maskaxda ka gaaray

0
Saturday September 21, 2019 - 22:48:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abdelhak Nouri : laacibkii u soo baxay Ajax balse nasiib darro uu dhaawaca culus maskaxda ka gaaray

    Amsterdam -BBC

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Amsterdam -BBC

Waxa uu ka mid ahaa ciyaartoydii da’da yareyd ee ugu fiicnayd ee ka aflaxda kuliyadda ciyaaraha kooxda Ajax Amsterdam ee waddanka Holland, waxa uuna aad u jeclaa kubadda cagta halka taageerayaasha naadiguna ay aad u jeclaayeen ciyaarihiisa.

Abdelhak Nouri haatan waa 22 jir, waxaana goolkiisii ugu horreeyay ee ciyaartoyda kooxda waaweyn ee Ajax uu u dhaliyay 21 September 2016.

Waxa uu la heer ahaa ciyaartoydii da’da yareyd ee sanadkan Ajax Amsterdam soo gaarsiiyay dhammaadkii Koobka Horyaallada Yurub (UEFA Champions League), hase yeeshee waxaa soo gaaray dhaawac culus oo maskaxda ah oo keenay in gebi ahaanba uu laabmo boggiisii ciyaarta kubadda cagta.

Kulan saaxiibtinimo oo ay wada yeesheen kooxaha Werder Bremen iyo Ajax ay isugu diyaarinayeen xilli ciyaareedkii bilaabayay ayaa waxaa 08 July 2017 ayaa waxaa beddel lagu soo geliyay Nouri, nasiib darro daqiiqaddii 72’ waxaa laacibkani uu ku dhacay dhulka, isagoo gebi ahaanba miir beelay.

Waxaa loo fidiyay gurmad deg deg ah, markii uu garsooruhu dareemay in xaalka xidiggani uusan caadi ahayn, waxaana muddo 13 daqiiqo ah lala tacaalayay in wadnaha laacibku uu dib u shaqeeyo neeftiisashadiisuna ay si caadi ah ku soo noqoto.

Si deg deg ah ayaa Helicopter looga qaaday garoonka, waxaana loo dhaadhiciyay Isbitaalka, iyadoo dhaqaatiirtuna ay caddeeyeen in dhaawac halis ah oo dhanka maskaxda ah uu soo gaaray laacibka, taasoo keentay in uu gebi ahaanba galo miir beel, isagoo illaa iyo haatan jiifa sariirta isbitaal ku yaalla Amsterdam, halkaasina ay ku soo geba gebowday riyadii iyo rajadii uu ka lahaa ciyaarta kubadda cagta iyo guud ahaan mustaqbalkiisii.

Image result for abdelhak nouri


Image result for abdelhak nouri

Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net