Madaxweynaha Zimbabwe oo sheegay in Robert Mugabe uu u geeriyooday cudurka Kansarka

0
Monday September 23, 2019 - 22:12:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Zimbabwe oo sheegay in Robert Mugabe uu u geeriyooday cudurka Kansarka

    Harare -AfricaNews

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Harare -AfricaNews

Madaxweynaha waddanka Zimbabwe, Emerson Mnangagwa ayaa sheegay in madaxweynihii isaga ka horreeyay ee dalkaasi Robert Mugabe uu u geeriyooday cudurka Kansarka.

Wargeyska ‘The Herald’ ee ka soo baxa Zimbabwe ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horreysay ee dowladda Zimbabwe ay la wadaagto macluumaad ku saabsan sabibihii uu u geeriyooday Mugabe.

Mugabe oo ahaa halgamaagii u soo diriray xoriyadda dalkiisa, isla markaana Zimbabwe gacan bir ah ku hayay muddo 37 sanadood ah ayaa waxa uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Singapore, 06 September, waxaana ay da’diisu ahayd 95 sanadood.

"Haa wuxuu Mugabe qabay cudurka Kansarka, dhaqaatiirtuna waxay ka joojiyeen daawadii Chemotherapy-one, maxaa yeelay waxay ogaadeen in uu da’ yahay, cudurkuna uu ku faafay jirkiisa, taas oo aan waxba laga qaban karin” sidaa waxaa laga hayaa madaxweyne Mnangagwa oo lagu naaneyso (Yaxaaska).

Weli lama aasin Mugabe, maadaama dowladdu ay u diyaarinayso boos heer sare ah oo lagu aaso oo ku yaalla halka lagu aaso halgamayaashii dagaalka ee soo maray dalka, waxaana qabuurahaasi uu ku yaallaa caasimadda Harare.

Sanadkii 2011, WikiLeaks ayaa shaaciyay warbixin laga soo xigtay Mareykanka oo tilmaamaysay in Mugabe uu qabay cudurka Prostate Kansarka, kaas oo ku fiday xubnaha jirkiisa, inkastoo waqtigaasi dowladdii Zimbabwe ay dafirtay warkaasi.

Tan iyo markii Mnangagwa uu la wareegay madaxtinimada Zimbabwe bishii November 2017 ayaa Mugabe waxa uu u safray Singapore, halkaas oo lagu dabiibayay.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net