Sucuudiga oo ku dhawaaqay in markii ugu horreysay uu bixinayo dal ku galka (Visa) Dalxiiska

0
Friday September 27, 2019 - 20:33:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sucuudiga oo ku dhawaaqay in markii ugu horreysay uu bixinayo dal ku galka (Visa) Dalxiiska

    Riyadh -AFP

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Riyadh -AFP

Dowladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday maanta oo Jimco ah in ay bilaabayso bixinta dal ku galka ama (Visa-ha) dalxiiska ee dalkaasi, tallaabadan oo ay ula jeeddo mid ay kaga weecanayso ku tiirsanaantii shidaalka.

Axmed Bin Aqil Al-Khateeb oo ah u qaybsanaha Sucuudiga ee dhanka Dalxiiska iyo Hidaha ayaa warbaahinta u faah faahiyay tallaabadan uu Sucuudigu qaaday, kaas oo ah fikirka Mohamad bin Salman ee sanadka 2030-ka ee ah Sucuudi fur furan oo aan ku tiirsanayn Shidaal.

Shaqada rasmiga ah ee bixinta Visa-ha Dalxiiska ayaa bilaabanaysa berri oo Sabti ah waxaana lagu bilaabi doonaa 49 waddan oo si fudud dhanka Internet-ka uga heli kara Visa-ha muddo ka yar 7 daqiiqo, waxaana dalalkaasi ay kala yihiin 38 dal oo Europe ah;

Austria, Belgium, Czech Rep, Denmark, Estonia, Finland, France, Germany, Greece, Hungry, Iceland, Italy, Latvia, Luxembourg, Liechtenstein, Lithuania, Malta, Holland, Norway, Poland, Portugal, Slovakia, Slovenia, Spain, Sweden, Switzerland, Ireland, Monaco, Andorra, Russia, Montenegro, San Marino, Ukraine, UK, Bulgaria, Romania, Croatia, Cyprus.

Sidoo kale 7 waddan oo Qaaradda Asia ah ayaa dal ku galkan dalxiiska heli kara, kuwaas oo kala ah; Brunei, Japan, Singapore, Malaysia, South Korea, Kazakhstan iyo Shiinaha.

Dhanka labada Mareykanna waxaa Visa-han si dhib yar ku heli kara Mareykanka, Canada, Australia iyo New Zealand.

Qiimaha dal ku galkan dalxiiska oo 12 bilood shaqeynaya ayaa sanadkii noqonaya 440 Riyal Sucuudi (117 dollar), waxaana uu shaqeynayaa muddo sanad ah, waxaana ku jira ceymiskii caafimaadka iyo canshuurtii, iyadoo qofka dalxiisaha loo oggol yahay in uu dalka joogo ugu badnaan 90 cisho.

Dalxiisayaasha waxaa loo oggol yahay in ay dharkay doonaan xirtaan, halka markii hore ay u hoggaansami jireen labiska carbeed, waxaana xusid mudan in sanadka gudihiisa uu qofku dhowr jeer ku soo noq noqon karo Sucuudiga, iyadoo haweeneydii dooneysa in ay muddadaasi Visa-ha ku cimreysatana ay dalka imaan karto bilaa muxram.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net