Ra'iisul Wasaaraha Lubnaan oo lacag ka badan 16 Milyan oo dollar u xawilay gabar South African ah

0
Tuesday October 01, 2019 - 22:14:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha Lubnaan oo lacag ka badan 16 Milyan oo dollar u xawilay gabar South African ah

    Beirut -NYTimes

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Beirut -NYTimes


Ra’iisul Wasaaraha waddanka Lubnaan Saad Al Hariri ayaa lagu soo warramayaa in uu lacag ka badan 16 Milyan oo dollar u xawilay gabar u dhalatay South Africa oo dharka xayaysiisa, sida lagu ogaaday dukumiintiyo ay soo bandhigtay maxkamad ku taalla South Africa.

Al Hariri ayaa Candice van der Merwe lacag u xawilidda bilaabay 2013, waqtigaas oo uusan ahayn Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, hase yeeshee uu ahaa hoggaamiyaha xisbigiisa Dhaq dhaqaaqa Mustaqbalka iyo nin kala waday ganacsigii qoyskiisa, sida lagu daabacay New York Times.

Gabadhan 20 jirka ah ayaa la sheegayaa in uu xiriir jaceyl dhex maray iyada iyo Hariri isla markaana 2013 ay ku wada kulmeen Jasiiradda Seychelles.

Bishii May, 2013 Candice van der Merwe ayaa waxaa banki ku yaalla Lubnaan looga soo diray 15,299,965 milyan oo dollar, sidoo kale waxaa loo soo raaciyay laba baabuur oo kuwa raaxada ah oo qiimahoodu gaarayo 250,000 oo dollar sida uu garyaqaankeeda ku warramayna waxa uu lacagtaasi ku tilmaamay haddiyad qaali ah oo kaga timid nin akhyaar ah oo reer Bariga dhexe ah.

Warbixintan dheer ee laga diyaariyay arrintan ayaa sidoo kale waxay tilmaamaysaa in Al Hariri uu 1 milyan oo dollar mar kale u diray gabadhani si ay isaga bixiso biilasheeda.

Laakiin qaybta canshuuraha ee South Africa ayaa dacwad ku soo oogtay gabadhan oo lagu tuhmay inay lacago is daba marisay aan canshuurtooda la haynin, taasoo markii dambe keentay siday sheegtay in ay dhaawacdo caannimadeeda, isla markaana go’aansatay inay ka harto Saad Al Hariri.

Waddanka Lubnaan ayaa maraya marxalad dhaqaale darri iyo maciishad xumo ah, iyadoo sidoo kalena waddankan uu ka mid yahay waddammada ugu deymaha badan caalamka iyadoo ay ku qoran tahay deyn gaareysa 86 Bilyan oo dollar.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net