Daawo Ruushka oo tijaabiyay Gantaal Qaaradaha ka gudba oo 50 jeer ka awood badan qunbuladdii Hiroshima

0
Wednesday October 02, 2019 - 22:35:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Ruushka oo tijaabiyay Gantaal Qaaradaha ka gudba oo 50 jeer ka awood badan qunbuladdii Hiroshima

    Moscow -RT

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Moscow -RT


Dowladda Ruushka ayaa tijaabisay Gantaal culus oo wax bur buriya, kaasoo awood u leh inuu ka gudbo qaaradaha (Intercontinental Ballistic missile) isla markaana madax Nukliyeer qaadi kara.

Gantaalkan oo lagu magacaabo RT-2PM2 Topol-M ayaa laga tuuray saldhigga Plesetsk Cosmodrome ee Waqooyi galbeed ee gobolka Arkhangelsk Oblast.

Muuqaal video ah ayaa laga duubay goob bir ka sameysan oo dadan oo daaqad yar intay ka furanto uu ka soo baxayo Gantaal aad u culus, waxaana Gantaalkan uu awood u leeyahay in uu xambaaro madax Nukliyeer oo culeyskiisu gaarayo 800 kiilo, taaso ka dhigan in uu 50 jeer ka awood badan yahay bamkii Atoomikada ahaa ee lagu garaacay Hiroshima, Japan.

Wixii ka dambeeyay dagaalkii qaboobaa ee Midowgii Soofiyeeti, Ruushku waxa uu hor mariyay tiknoolojiga iyo sancada hubka, waxaana mas’uuliyiinta dowladda Ruushku ay sheegeen in gantaalkii ugu dambeeyay uu gaaray bartii loogu talo galay ee jasiiradda Kamchatka ee waqooyi bari ee dalkaasi.

Arrintan ayaa tusaale u noqonaysa sida Ruushku mar walba diyaar ugu yahay dagaal iyo iska caabinta cadowgiisa.


Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net