Nin Toorey ku dilay 4 Askari oo Boolis ah bartamaha saldhiggii ay ka shaqeynayeen ee magaallada Paris

0
Thursday October 03, 2019 - 20:51:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Toorey ku dilay 4 Askari oo Boolis ah bartamaha saldhiggii ay ka shaqeynayeen ee magaallada Paris

    Paris -AFP

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Paris -AFP

Nin ka shaqeynayay saldhigga ciidammada Booliska ee bartamaha magaallada Paris ee waddanka Faransiiska ayaa waxa uu dilay 4 askari oo Boolis ah isagoo dilka u isticmaalay Toorey.

Ninka booliska beegsaday oo aan magiciisa la shaacin ayaa wararku waxay sheegayaan in uu ciidanka la shaqeynayay muddo 20 sanadood ah, iyadoo illaa iyo haatan aan la garanayn sababta uu weerarkaasi u fuliyay, waxaana Boolisku ay markii dambe toogteen ninkii Tooreyda sitay.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya maalin kaddib markii ay Boolisku sameeyeen shaqo joojin ay kaga cabanayaan rabshadaha lagula kaco ciidanka guud ahaan waddanka Faransiiska.

Warar horu dhac ah ayaa tilmaamaya in falkani dhacay kaddib markii ay murmeen Booliska iyo ninka, waxaana kaddib uu saddex qofood la gaaray Middi, halka laba dumar ah oo iyagana aagga ka dhowaa uu iyagana Middida daray illaa aakhirkii isagana ay ciidammadu toogteen.

Xeer ilaaliyaha guud ee Paris Remy Heitz ayaa warbaahinta u sheegtay in ay goobtii dhibaatadu ka dhacday ay ku dhinteen 3 nin iyo qof Dumar ah iyo ninkii Tooreyda watay ee isna la toogtay, halka qof kalena uu dhaawac soo gaaray.

Booliska ayaa durbadiiba waxa ay baaritaan ku bilaabeen gurigii uu degganaa ninkii Midida wax ku dilay.

Dhanka kale tan iyo billowgii sanadkan waxaa la diiwaan geliyay 50 dhacdo oo ay ciidammadu nafga isaga jareen (suicide) iyagoo ka cabanayay shaqada adag ee ciidanka iyo dhibaatooyinka ay la kulmaan.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; ishawararka.net