Shirkadda duulimaadka ee Ethiopia Airlines oo iibsanaysa 20 dayuuradood oo Airbus ah

0
Saturday October 05, 2019 - 22:18:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda duulimaadka ee Ethiopia Airlines oo iibsanaysa 20 dayuuradood oo Airbus ah

    Addis Ababa -AfricaNews

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Addis Ababa -AfricaNews

Shirkadda duulimaadka Ethiopian Airlines ayaa sheegtay in ay ku dhowdahay in ay saxiixdo heshiis qaali ah oo ay shirkadda Airbus SE kaga iibsanayso 20 diyaaradood oo noocoodu yahay Airbus A220.

Arrintan ayaa noqonaysa dib u soo nooleynta qorshe hore, kaddib markii in muddo ah ay Itoobiya isticmaalaysay diyaaradaha waaweyn ee Boeing Co. 737s

20-kan diyaaradood ee Airbus ayaa waxay shirkadda ugu weyn duulimaadka ee Qaaradda Afrika ee Ethiopian Airlines ay ku iibsanaysaa 1.6 Bilyan oo dollar.

Diyaaradahan waaweyn oo middiiba ay ku kacayso 81 milyan oo dollar ayaa waxay Itoobiya qorsheyneysaa in ay ku billowdo duulimaadyo toos ah oo joogto ah kuwaas oo ay ku tagayso caasimadaha dalalka Qaaradda Afrika ah sida uu sheegay Agaasimaha shirkadda Ethiopian Airlines Tewolde GebreMariam.

Dalabkan ayaa imaanaya markii ugu horreysay tan iyo markii ay dhacday diyaaraddii Boeing 737 Max oo burburtay bishii Maarso iyadoo ku jirtay ka duushay Addis Ababa kuna sii jeedday Nairobi, waxaana ku dhintay 157 qofood.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net