Turkiga oo u yeeray Safiirka Mareykanka ee Ankara kaddib markii bogga Safaaraddu si qalad ah Like u saaray…

0
Sunday October 06, 2019 - 21:47:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1107
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo u yeeray Safiirka Mareykanka ee Ankara kaddib markii bogga Safaaraddu si qalad ah Like u saaray…

    Istanbul -Reuters

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Istanbul -Reuters


Mararka qaar dowladaha ayaa isku khilaafa arrin yar taasoo mararka qaar ay dhacdo in is afgaran waagoodu gaaro meel xun, waxaana maanta oo Axad ah arrin taa la mid ah ay ka dhacday Turkiga markii dowladda dalkaasi ay u yeertay Safiirka Mareykanka ee Ankara.

Safiirka ayaa loogu wacay si wax looga weydiiyo Like uu bogga Twitter-ka Safaaraddu saaray bog siyaasi mucaarad ah oo ka tirsan xisbiga la mamnuucay ee uu oggaamiyo wadaadka Fethullah Gulen.

Siyaasiga Twitter-ka Safaaraddu ay Like-ta saartay waxaa lagu magacaabaa Devlet Bahceli oo 71 jir ah, kaas oo dhowaan laga saaray Isbitaal uu ku xanuunsanayay.

Cabashadan ayaa loo gudbiyay Safaaradda Turkiga oo loo sheegay inay deg deg u yimaadaan si su’aallo looga weydiiyo wixii dhacay, inkastoo maanta oo Axad ah uu safaaradda ka maqnaa Safiirka USA ee Turkiga David Satterfield.

Waxaa Dowladda Turkiga qanciyay mas’uulkii kale ee ugu sarreeyay safaaradda Mareykanka Jeffrey Hovenier.

Safaaradda Ankara ayaa aakhirkii raalli gelin ka bixisay Like-tii ay saartay waxayna sheegtay in uu ahaa qalad dhacay, isla markaana ay ka qoomamaynayaan.

Gulen oo ku nool gobolka Pennsylvania ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay maskaxdii ka dambeysay afgembigii dhicisoobay ee Turkiga ee 2016.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; Info@ishawararka.net