Trump "Aniga ayaa burburiyay dhaqaalaha Turkiga, mar labaad ayaana burburin doonaa haddii ay xadka soo dhaafaan"

0
Monday October 07, 2019 - 21:56:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump "Aniga ayaa burburiyay dhaqaalaha Turkiga, mar labaad ayaana burburin doonaa haddii ay xadka soo dhaafaan"

    Washington -AP

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Washington -AP


Madaxweynaha waddanka Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu mar labaad burburin doono dhaqaalaha Turkiga haddii Ankara ay xudkeeda soo dhaafto.

Qoraal uu Trump soo dhigay boggiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu horey u burburiyay dhaqaalaha waddanka Turkiga, haatanna uu mar labaad sidaa yeeli doono haddii xadgudub ka sameeyaan Waqooyiga Suuriya.

"Sida aan horey u sheegay waan ku celinayaa haddii Turkigu sameeyo wax xadka kabaxsan gebi ahaanba waan burburinayaa dhaqaalaha Turkiga, horeyna waan u burburiyay, way ku qasban yihiin iyaga iyo Yurub iyo kuwa kale waa inay iska jiraan dagaalyahannada ISIS ee la qabtay iyo qoysaskooda┬╗ ayuu yiri Trump.

Trump wuxuu xusay in Mareykanku guulo waaweyhn ka gaaray dagaalkii ISIS 100%, isla markaana haatan la joogo waqtigii dalalka kale ee gobolka, gaar ahaan dalalka dhaqaalaha leh ay dhulalkooda difaacan lahaayeen.

Hadalka Trump ayaa ku soo aadaya markii dowladda Mareykanku ay ku dhawaaqday in ay ka baxday Waqooyiga Suuriya iyo kaalmadii ay siin jirtay kooxaha mucaaradka halkaasi ka dagaallama, iyadoo aqbashay in Turkigu xuduudda ka billaabo howlgal argagixiso sifeyn ah.



Isha Warrarka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net