Dowladaha caalamka oo ka taajiray Jinsiyadaha ay ka iibiyaan dadka hantida haysta

0
Saturday October 12, 2019 - 22:00:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladaha caalamka oo ka taajiray Jinsiyadaha ay ka iibiyaan dadka hantida haysta

    London -BBC

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

London -BBC


Dalalka caalamka ayaa dhaqaale aad u fara badan ka sameeya ganacsiga Jinsiyad iibinta ama Baasaboorrada, taas oo xilliyadii hore ahayd arrin aan suurtogal ahayn.

Konton sano ka hor sheekada dadka labada baasaboor/jinsiyad haysta waxay ahayd mid aan sidaa u badneyn, hase yeeshee haatan waxa ay noqotay mid caalami ah oo dowlado badan ay lacag badan ka sameeyeen, iyadoo kala bar dalalka caalamku haatan ay baasaboorkooda ku bixiyaan qaabka maalgashiga.

BBC-d ayaa wax ka qortay ganacsigan lagu faa’iiday, iyadoo baasaboorradan ciddii rabta laga iibiyo sanadkii isu geyn dowladaha adduunka ka faa’iidaan 25 bilyan oo dollar.

Dadka hantida leh iyo qoysaskooda ayaa si fudud adduunka kaga iibsada degganaansho ama baasaboor toos ah, waxaana jira shirkado badan oo ka shaqeeya heshiisyadaasi.

Hong Kong ayaa lagu tiriyaa suuqa ugu weyn caalamka ee jinsiyadaha ka iibiya dadka awooda, waxaana dalba dalka uu ka sii yar yahay uu ka jaban yahay qiimaha baasaboorka ama jinsiyaddooda lagu helo.

Tusaale jasiiradaha Antigua iyo Bermuda waxaa baasaboorkooda aad ku heleysaa $100,000 oo dollar, Saint Kittes iyo Navis $150,000 oo dollar, Montenegro $274,000, Portugal$384,000, Spain $550,000, Bulgaria 560,000, Malta $1,000,0000.

Mareykanka $500,000 illaa 1,000,000 adigoo maalgashi ku samaysanaya isla markaana shaqaaleysiinaya10 qofood, halka Ingiriiskana lagu helayo jinsiyaddiisa oo iib ah 2.5 milyan oo dollar.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net