Jarmalka oo ku dhawaaqay inuu soo dhoweynayo Shabakadda cusub ee 5G ee taleefanka Huawei

0
Wednesday October 16, 2019 - 22:38:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jarmalka oo ku dhawaaqay inuu soo dhoweynayo Shabakadda cusub ee 5G ee taleefanka Huawei

    Berlin -DW

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Berlin -DW

Dalka Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday in uu soo dhoweynayo adeegga cusub ee 5G ee dhanka Internet-ka ee shirkadda weyn ee Shiinaha ee Huawei dunida ku soo deysay maanta, waxaana Jarmalku xusay inuu soo dhoweynayo tartanka ganacsiga xorta ah.

Mareykanka ayaa shirkadda Huawei ka mamnuucay in ay gudaha dalkaasi ku soo bandhigto adeegga internet-ka deg degga badan ee 5G, iyagoo ku eedeeyay shirkadda Huawei inay jaajuusto Mareynkanka.

Ingiriiska ayaa isaguna sheegay in uu dhowaan ka arrinsanayo tallaabadii uu ka qaadi lahaa Huawei, taasoo ku saabsan in shirkaddan weyn loo oggolaado adeeggeeda dadku wada sugayaan ee 5G iyo in kale.

"in la siyaasadeeyo ammaanka Internet-ka waxay keliya wiiqaysaa horumarka Tiknoolojiga iyo horumarka bulshada, iyadoo aan wax weyn ka tari doonin dhibaatada dhanka amniga ah ee heysata dhammaan dalalka caalamka" ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday Huawei.

"Huawei waxay sii wadi doontaa in ay si furan ula shaqeyso xeerarka, macaamiisha iyo shirkadaha wax farsameeya si loo xaqiijiyo in shabakadda taleefoonku ay tahay mid ammaankeedu sugan yahay┬╗.

Huawei oo adeegga 5G ku billowday gudaha shiinaha ayaa u soo gudbinaysa caalamka waxayna sheegtay in soddonkii sano ee la soo dhaafay ay u adeegeysay dad ka badan 3 bilyan oo qof dunida dacalladeeda.

Dhammaan shirkadaha Isgaarsiinta Jarmalka ayaa isticmaala qalabka ay soo saarto shirkadda Huawei, waxaana ay horey uga digeen in mamnuucidda Huawei ay dib u sii dhigeyso in dunida la keeno adeegga xawaaraha sarreeya ee 5G, kaas oo maqnaanshihiisuna dunida ka baxayso lacag gaareysa Balaayiin dollar.



Isha Wararka

Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net