Qisada ciyaaryahan aan hadda ka hor wax badan ka garanayn kubadda koleyga maantana ku qiimeysan $130 milyan

0
Saturday November 16, 2019 - 22:12:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 214
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qisada ciyaaryahan aan hadda ka hor wax badan ka garanayn kubadda koleyga maantana ku qiimeysan $130 milyan

    Toronto -AfricaNews

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Toronto -AfricaNews


Wiilka da’da yar ee reer Cameroon Pasca Siakam oo haatan 25 sano jir ah ayaa noloshiisu si cajiib ah isu beddeshay sanado yar gudaheed, isagoo guul weyn ka gaaray ciyaarta kubadda koleyga NBA-da Mareykanka.

17-kii sano ee ugu horreysay noloshiisa Siakam wax badan kama garaneyn kubadda Koleyga, waxaana 1994-kii uu ku dhashay magaallada Douala ee Cameroon, waana wiilka ugu yar 6 walaallo ah.

Dhererkiisu waa (6.9 feet) ama 2.6 m, waxaa sanadihii ugu horreysay dhallinyaranimadiisa loo tababarayay baaderinimo uu ka baranayay tuulo yar oo ku taalla Cameroon oo lagu magacaabo Bafia, iyadoo aabihii uu ku rajo weynaa in uu wiilkiisu noqdo Baaderi.

Sanadkii 2011-kii, waxaa Siakam oo aad u jeclaa kubadda cagta uu tababar kubadda koleyga ah isaga iyo saaxiibadiisu u tageen garoon uu sameeyay laacibka reer Cameroon ee NBA-da Mareykanka ka dheela Luc Mbah a Moute, waxaana tababarkaasi uu guud ahaan wax ka beddelay nolosha wiilkan dhallinyarada ah ee Siakam.

Wixii waqtigaa ka dambeeyay waxaa Siakam uu ciyaarta Basketball-ka u dheelayay xiiso ahaan illaa markii dambe uu soo jiitay indhaha caalamka isagoo 17 jir ahaa.

Sanad kaddib Siakam waxaa xiriirka kubadda Koleyga Mareykanka ee NBA-da uu uga yeeray barnaamij kubadda koleyga ah oo lagu qabtay South Africa.

Maanta ciyaaryahan Siakam waa xidigga kooxda ka dhisan magaallada Toronto ee Canada ee Toronto Raptors ee ka ciyaarta NBA-da Mareykanka ee ay ku mideysan yihiin kooxaha USA iyo Canada, waxaana uu u horseeday Koobkoodii ugu horreeyay ee kubadda koleyga Mareykanka 2019.

Waxa uu Siakam ku guuleystay xilli ciyaareedkii la soodhaafay laacibkii ugu fiicnaa NBA-da, isagoo haatan qiimaha uu suuqa ka gooyo ay dhan tahay 130 milyan oo dollar.



Isha Wararka

Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net