Lionel Messi oo markiisii 6-aad ku guuleystay Kubadda Dahabka ee xidigga ugu fiican 2019

0
Monday December 02, 2019 - 22:00:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lionel Messi oo markiisii 6-aad ku guuleystay Kubadda Dahabka ee xidigga ugu fiican 2019

    Paris -Isha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Paris -Isha

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Barcelona iyo xulka Argentine, Lionel Messi ayaa caawa markiisii 6-aad ku guuleystay abaalmarinta kubadda dahabka ee xidigga sanadkan (Ballon d’Or 2019).

Messi oo 32 jir ah ayaa waxaa kubadda dahabka ah lagu guddoonsiiyay xaflad caawa ka dhacday magaallada Paris, waxaana kubadda dahabka ah lagu sharfay in uu ku dhawaaqo weeraryahankii hore ee xulka Ivory Coast iyo kooxda Chelsea Didier Drogba, iyadoo kubadda Dahabkana uu Messi farta ka saaray laacibka Real Madrid Luka Modric.

Lionel Messi ayaa ka sare maray xidiggii jaa’isaddan kula tartamayay ee Daafaca kooxda Liverpool iyo xulka Holland, Virgil Van Dijk, waxaana Messi uu helay codadkii ugu badnaa ee saxafiyiinta Isboortiga, taasoo ah xeerka ay Majaladda France Football ku bixiso kubaddan dahabka ah.

Dhaliyaha Barcelona Messi waxa uu abaalmarintan horey ugu guuleystay 5 jeer oo hore sanadihii 2009, 2010, 2011, 2012 iyo 2015.

Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay waxa uu Messi Barcelona u horseeday hanashada Horyaalka Spain, halka xulka Argentine uu soo gaarsiiyay kaalinta 3-aad ee Koobka Ameerika.

Dhanka Dumarkana waxaa xidigta sanadka loo magacaabay Megan Rapinoe oo Mareykanka u ciyaarta, halka laacibadda Ingiriiska ee Lucy Bronze ay gashay kaalinta 2-aad.



Isha Wararka

Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net