Tababaraha Liverpool oo ka hadlay kubaddii dahabka ahayd ee xidiggii ugu fiicnaa 2019 ee la guddoonsiiyay Messi

0
Tuesday December 03, 2019 - 22:06:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tababaraha Liverpool oo ka hadlay kubaddii dahabka ahayd ee xidiggii ugu fiicnaa 2019 ee la guddoonsiiyay Messi

    Liverpool -SkySports

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Liverpool -SkySports

Tababaraha Naadiga Liverpool ee waddanka Ingiriiska Jurgen Klopp ayaa ka hadlay fikirkiisa ku aaddan kubaddii dahabka ahayd ee xalay la guddoonsiiyay weeraryahanka kooxda Barcelona Lionel Messi oo markiisii 6-aad ku guuleystay Ballon D’Or 2019.

Virgil van Dijk oo daafaca uga dheela Holland iyo Liverpool ayaa kaalinta 2-aad galay, halka weeraryahanka Juventus Cristiano Ronaldo uu galay kaalinta 3-aad.

"Waxay iila muuqataa in xoogaa arrintu ay ka duwanayd sidii hore, dad badan ayayna ula muuqatay in xoogaa uu jiray wax ka duwan wixii hore, laakiin mushkilad ma lahan, horey ayaan 500,000 oo jeer u sheegay in Lionel Messi uu yahay laacibkii ugu fiicnaa ee aan noloshayda indhaha saaro" ayuu yiri macallinka Jarmalka ah ee Liverpool.

"Ma jirin xilli ciyaareed uu ka fiicnaa van Dijk, waxayna ahayd in uu ku guuleysto kubadda dahabka ah, waana maqlay inuu aad ugu dhowaa".

Ciyaaryahan van Dijk ayaa Liverpool xilli ciyaareedkii hore la qaaday Koobka Horyaallada Yurub, iyadoo kooxdiisuna ay 4-0 ka adkaatay Barcelona nus dhammaadkii tartankaasi.

Image result for Messi ballon d'or


Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net