Shirkadad gawaarida sameysa ee Tesla oo sanadkii tegay iibisay 367,500 oo baabuur

0
Friday January 03, 2020 - 22:24:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadad gawaarida sameysa ee Tesla oo sanadkii tegay iibisay 367,500 oo baabuur

    California -TheVerge

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

California -TheVerge

Shirkadda gawaarida sameysa ee Tesla ee laga leeyahay waddanka Mareykanka ayaa sanadkii tegay ee 2019 waxa ay iibisay baabuur gaareysa 367,500 oo baabuur, sida lagu daabacay bogga shirkaddu ku leedahay Internet-ka.

Inkastoo tiradani aysan ahayn intii la qiyaasayay haddana waxaa shirkaddan fadhigeedu yahay Silicon Valley ay sanadkii tegay iibisay tiro baabuur ah oo ka badan marka la isku geeyo intii ay soo saartay labadii sano ee ka sii horreysay, waxaana taa keenay shacbiyadda baabuurkeeda Model 3 Sedan oo sare u kacay.

Shirkaddan ayaa soo bandhigta gawaari ku shaqeysa Koronto, iyadoo xarun cusubna ka furatay waddanka Shiinaha si ay dibaddana ugu iib geyso baabuurta ay sameyso.

Tesla oo la aas aasay sanadkii 2003 ayaa sanadkii tegay khasaartay 720 milyan oo dollar, hase yeeshee waxaa xoogaa rajadeeda soo celiyay model-ka cusub ee baabuurta ah ay soo bandhigtay, waxaana ay diyaar u tahay in ay ku dagaallanto sumcaddeeda tan iyo markii ay 2010-kii billowday in ay si toos ah uga mid noqoto shirkadaha ka baayac mushtara baabuurta ee suuqyada caalamka.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net