Itoobiya oo South Africa ka codsatay in ay gogol u fidiso khilaafka kala dhexeeya dowladaha Masar iyo Sudan ee Webiga Niil

0
Sunday January 12, 2020 - 22:15:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 72
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya oo South Africa ka codsatay in ay gogol u fidiso khilaafka kala dhexeeya dowladaha Masar iyo Sudan ee Webiga Niil

    Addis Ababa -AfricaNews

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Addis Ababa -AfricaNews


Ra’iisul Wasaaraha waddanka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ka codsaday madaxweynaha dalka South Africa Cyril Ramaphosa in uu dhex dhexaadiyo khilaafka kala dhexeeya dowladdiisa dalalka Sudan iyo Masar ee ku saabsan biya xireenka ay Itoobiya dhisanayso ee Webiga Niil.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa markii ay dhowr jeer fashilmeen kulammo ay saddexdaasi waddan kaga wada hadlayeen biyaha webiga Niil iyo Biyo xireenka weyn ee ay Itoobiya dhisayso kaasoo haatan 80% ay dhameystirtay.

Dhanka kale Washington ayaa xitaa ku guul darreysatay in ay Itoobiya, Masar iyo Sudan ku qanciso inay xal ka gaaraan Biyaha Niil, waxaana muddo saddex bilood ah oo uu Mareykanku wada hadalladan wadayna waxaa  qayb galay Khasanadda wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka iyo Bankiga caalamka.

Ramaphosa ayaa bishan la wareegi doona guddoomiyenimada midowga Afrika, isagoo xilkaasi ka beddeli doona Madaxweynaha Masar Abdelfatah el-Sisi.

Abiy Ahmed wuxuu xusay in Madaxweynaha South Africa uu yahay nin wanaagsan oo saaxiib la ah labada waddan ee Itoobiya iyo Masar, kaasoo awoodi kara in uu khilaafkan dhameeyo, iyadoo mar walbana ay Itoobiya ku adkeysanayso in aysan ka laba labeyneyn dhameystirka biya xireenka ugu weyn Afrika oo ay ka dhalin doonto tamar koronto.

Image result for ethiopia dam

Biyo xireenka ugu weyn Afrika ee ay dhisanayso Itoobiya ayaa ku dhow gebagebo
Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net