Abiy Ahmed oo cabasho u gudbiyay Guddigii siiyay Nobel Peace kaddib markii Trump uu sheegtay inuu kaga xaq lahaa

0
Monday January 13, 2020 - 22:00:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 307
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abiy Ahmed oo cabasho u gudbiyay Guddigii siiyay Nobel Peace kaddib markii Trump uu sheegtay inuu kaga xaq lahaa

    Addis Ababa -AfricaNews

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Addis Ababa -AfricaNews

Ra’iisul Wasaaraha waddanka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa cabasho ka dhan ah hadalkii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku sheegay in uu isagu xaq u lahaa in la siiyo billaddii nabadda 2019 ee Nobel Peace Prize, taasoo la guddoonsiiyay Abiy Ahmed.

Abiy Ahmed Ali ayaa ku muteystay jaa’isadan kaddib dadaallo nabadeed oo uu sameeyay markii xilka loo magacaabay oo ay ugu horreysay heshiiskii nabadeed ee taariikhiga ahaa ee uu la gaaray deriskiisa Itoobiya oo labaatameeyo sano ay colaadi ka dhexeysay xuduudda iyo safaaradahana kala xirteen.

"Anigu ma garaanayo qiyaasta iyo shuruudaha lagu bixiyo abaalmarintan, balse haddii uu Trump dood qabo waa inuu u dacwoodaa Oslo, Norway ee ma ahan Itoobiya inuu soo abbaaro" ayuu yiri Abiy Ahmed.

Trump oo u khudbeynayay taageerayaashiisa Ohio ayaa yiri "waxaan ku guuleystay heshiis, waxaana bad baadiyay dalkeyga, kaddib waxaan maqlay in hoggaamiyaha dalkaasi uu ku guuleystay abaalmarinta Nobel Peace Prize maadaama uu bad baadiyay waddankiisa, markaas ayaa nafteyda ku iri –maxaa dhacaya? aniga xitaa dalkayga ma aanan bad baadin? haa, laakiin waa iska xaal adduun".

Wararka qaar ayaa sheegaya in hadalkan ka soo yeeray Trump uu ku soo aadayo kaddib markii ay fashilmeen wada hadallo uu Mareykanku ku kala maslexeynayay dalalka isticmaala biyaha Niil ee Sudan, Masar iyo Itoobiya, kaddibna uu Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed codsaday in madaxweynaha South Africa Ramaphosa uu arrintan dhex dhexaadiyo.

Image result for abiy ahmed nobel

Isha Wararka
Nagala soo xiriir: info@ishawararka.net