Daawo Mareykanka oo tijaabiyay nuuc cusub oo diyaarad Drone ah

0
Tuesday January 21, 2020 - 22:11:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 494
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Mareykanka oo tijaabiyay nuuc cusub oo diyaarad Drone ah

    Huntsville -RT

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Huntsville -RT

Shirkadda Mareykanka ee Dynetics ayaa tijaabo ku sameysay nuuc cusub oo diyaaradaha aan cidina wadin ee Drone-ka ah (X-61A), kuwaas oo la ku guuleystay tijaabadii ugu horreysay.

Laakiin diyaraddan cusub ee Drone-ta ah ayaa ka duwan kuwii hore ee goob dhulka ah ama markab dushiisa laga soo diri jiray, waxaana middan sidii gantaalkii u tuureysa diyaarad kale, iyadoo loogu talo galay in ay goobaha cadowga howlo ka soo fuliso, waxaana kaddib ay ku soo laabanaysaa baalkii diyaaraddii markii hore tuurtay.

Diyaaraddan cusub ayaa hawada ku jiri karta muddo 3 saacadood ah, iyadoo jari karta 926km, iyadoo xambaari karta culeys 68kg ah, waxaana horumarinta lagu sameynayo diyaaraddan ay sii socon doontaa illaa sanadka dambe.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net