Shiinaha oo soo saaray barnaamij Taleefanka lagu soo dejisto oo sheegaya qofka qaba Coronavirus

0
Wednesday February 12, 2020 - 22:27:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiinaha oo soo saaray barnaamij Taleefanka lagu soo dejisto oo sheegaya qofka qaba Coronavirus

    Beijing -Xinhua

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Beijing -Xinhua

Sida lagu sheegay bogga ‘MIT Technology Review’ waddanka Shiinaha ayaa soo saaray barnaamij taleefooneed cusub ‘App’ dadka ka saacidaya in ay iyagu iskood isku baaraan isagoo tilmaamaya in qofku uu ku dhacay Feyruska Corona iyo in kale.

Barnaamijkan oo taleefoonnada casriga ah lagu soo dejisan karo ayaa lagu magacaabaa ‘Close Contact Detector’ waxaana dadka isticmaala uu u tilmaamayaa dadka hareerahooda ka dhow ee qaba xanuunkan iyo weliba in iyaguna ay qabaan Feyruska iyo in kale.

Dowladda Shiinaha oo kaashanaysa shirkad Tiknoolojiga ku dheereysa ayaa hor mariyay barnaamijkan, waxaana App-ku uu ururinayaa macluumaadka caafimaad iyo goobaha Feyrusku ka jiro.

Marka ay dadku rabaa nin ay isticmaalaan barnaamijkan waxay adeegsanayaa qaabka scan-ka QR code ee laga dhex helayo taleefoonka, halka sidoo kale dadkuna ay isticmaali karaan marka ay geliyaan magacyadooda, lambarrada taleefoonnadooda ama Kaararkooda aqoonsiga ee gaarka ah.

Haddii App-ku kuu sheego in aad qabto Feyruska Corona waxa uu kugula talinayaa in aadan guriga ka bixin oo aad la xiriirto gurmadka deg degga ah.



Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net