Maamulaha shirkadda Twitter Jack Dorsey oo deeq 1 bilyan oo dollar ku bixinaya dadaalka ka hor tagga Coronavirus

0
Wednesday April 08, 2020 - 22:28:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 415
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulaha shirkadda Twitter Jack Dorsey oo deeq 1 bilyan oo dollar ku bixinaya dadaalka ka hor tagga Coronavirus

    Washington -AP

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Washington -AP

Jack Dorsey oo ah aas aasaha shirkadda xiriirka bulshada ee Twitter iyo barnaamijka Square ee qaabka elektorooniga ah lacagta loogu bixiyo ayaa ballan qaaday in uu 1 bilyan oo dollar ku kaalmeyn doono dadaalka loogu jiro wax ka qabashada feyruska caaamka faraha ba'an ku haya ee Coronavirus (Covid-19).

Dorsey oo aad uga dhaqaale yar taajiriinta iska leh Facebook ee Mark Zuckerberg (57.3 bilyan oo dollar), aas aasaha Microsoft Bill Gates (99.5 Bilyan), Milkiilaha shirkadda Amazon Jeff Bezos (122.2 bilyan oo dollar) ayaa haddana waxa uu go'aansaday inuu bixiyo 28% dhaqaalihiisa, iyadoo guud ahaan hantidiisa ay gaareyso 3 bilyan oo dollar, sida lagu daabacay wargeyska Forbes Magazine.

Haddaba sidaasi ayaa waxaa Dorsey oo 43 jir ah uu ku biirayaa bilyaneerrada tiknoolojiga sida Bill Gates, Mark Zuckerberg iyo Jeff Bezos, kuwaas oo horey u ballan qaaday inay bixin doonaan qayb ka mid ah dhaqaalahooda.

Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net