Waxaa la xiray isagoo dhallinyaro ah waxaana muddo gaaban kaddib xabsiga laga soo daayay isagoo oday ah

0
Saturday April 18, 2020 - 22:11:58 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4398
  • (Rating 3.3/5 Stars) Total Votes: 4
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Waxaa la xiray isagoo dhallinyaro ah waxaana muddo gaaban kaddib xabsiga laga soo daayay isagoo oday ah

    Damascus -ArabNews

    Share on Twitter Share on facebook Share on Google Plus

Damascus -ArabNews


Baraha bulshada Suuriya ee dhanka Internet-ka ayaa mar qura aad u falanqeeyay laba sawir oo ku saabsan nin Suuriyaan ah oo dhowr sano ku xirnaa xabsiga Nidaamka Suuriya, gaar ahaan muuqaalka ninkaasi oo intii aan la xirin ahaa nin dhallinyaro ah, balse markii la soo daayay muuqaalkiisu u muuqday nin oday ah.

Cabdulxamiid Al-Xaaji Cali ayaa kooxaha u dooda xuquuqda insaanku ay is barbar dhigeen labadiisa sawir oo markan dambe uu noqday nin da’ ah oo madixii iyo garkuba caddaadeen kaddib 6 sanadood oo uu ku soo qaatay xabsiyada Bishaar Al-Asad.

Waxaa la tilmaamay in ay taasi caddeyn u ahayd hooggii iyo dhibtii uu soo arkay cabdulxamiid lixdii sano ee uu galay jeelka Suuriya oo dad horey u soo maray ay ka soo wariyeen in dadka loo ciqaabo qaabka ugu xun adduunka.

Cabdulxamiid oo u dhashay deegaanka Riif Darca ee Suuriya ayaa waxaa ILAAHAY u qoray in uu mark ale nolosha ku soo laabto, balse markan waa isagoo soo odayoobay, waxaana si diirran loogu soo dhoweeyay deegaankiisii uu ka maqnaa 6-da sanadood.




Isha Wararka
Nagala soo xiriir; info@ishawararka.net